Macluumaad ku qoran Af –Soomaali

Shirkado badan oo ku dhaqan magaalada ayaa ka shaqeeya waxyaabo sun ah oo ku jira shaqadooda wax soo saarka sidaas awgeedna waxay marayaan xeerarka balaaran ee badqabka. Haddii shil dhaco, waxyaabahaan ayaa khatar kugu noqon kara adigga iyo bii’ada. Waa muhiim inaad akhrido xogtaan si aad u ogaato waxa aad samaynayso marka shil uu dhaco.

Sida laguugu sheegaayo in shil dhacay

Waxaa jira dhawr qaab ood ku ogaan karto in shil aad u xun oo la xariira maadooyinka sunta ah uu dhacay. Hal qaab wa ainaad ku dhajiso albaabka hore calaamada “fariin muhiim ah”. Qaab kale waa xogta ama fariimaha kale oo laga siidaayo TV ga ama raadiyaha. Waxaad sidoo kale xogta ku heli kartaa fariin qoraal loo diraayo taleefankaaga moobilka.

Waxa aad samaynayso marka aad maqasho calaamada

Calaamada banaanka ee “fariinta muhiimka ah” waxaa ku jira digniino 7 sikin ah oo joogsanaaya 14 sikin markiiba. Digniinta ayaa lasoo celceliyaa ugu yaraan labo daqiiqo.

Markaad maqasho digniinta, sidaan ayaad samaynaysaa:

  • Gudaha gal.
  • Xir albaabada, daaqadaha iyo shabaqyada.
  • Dhagayso raadiyaha iyo TV ga. Digniinta albaabka banaanka “fariinta muhiimka ah” waxaa la tijaabshaa afar jeer sanadkii.

Arintaan waxaa la sameeyaa 15:00 Isniinta koobaad oon ahayn fasax dadwayne bilaha Maarso, Juun, Sibteembar iyo Diseembar.

Haddii aad dhexda u gasho qiiq ama uuro…

Qiiqa iyo uurada ayaa lahaan kara ur aad u qarmuun oo hongore kaaga shidi kara indhaha iyo sanka iyo sidoo kale keeni kara cuncunka dhuunta iyo qufac.

  • Hubi jirada dabaysha! Ka fogoow meesha shilka.
  • Aad meesha urtu ka imaanayso.
  • Waxaad samayn karaa “agabka neefsiga” oo ku meel gaar ah adoo ku neefsanaaya cad maro ah.